WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Codsi u diray Golaha Ammaanka ee QM

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad dheer oo muhiim ah ka jeediyay kalfadhiga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka hadlay horumarka dowladda Soomaaliya ay gaartay dagaalka ay kula jirto AS oo u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay 45% inay xoreyso deegaannadii ay shacabka ku dhibaateynayeen, waxaa kale oo uu ku dheeraaday dadaalka ay dowladdu gelisay arrimaha horumarinta bulshada.

Mudane Xamsa ayaa codsaday in Golaha Ammaanka ee Q.M. uu ka qaado cunaqabateynta mudada 30-ka sano ka badan saarneyd Soomaaliya, si dalkeenu uga guuleysto argagixisada, isla markaana ciidanka qaranka ay ula wareegaan guud ahaan ammaanka dalka.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhibbane u tahay saameynta isbeddelka cimilada, oo dalkeena ay ka dhaceen abbaaro is dabajoog ah iyo fatahaado, isla markaana ay codsaneyso Soomaaliya in gacan la siiyo xal u helidda dhibaatooyinka ka dhasha qaaca hawada lagu sii daayo iyo isbeddelka cimilada.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku baaqay dib u habeyn lagu sameeyo hey’adaha caalamiga ee adduunka oo ay ugu horreyso Qaramada Midoobay, Bangiyada Horumarinta iyo Nidaamka Guud ee Dhaqaalaha Adduunka, si loo helo buu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Codsi u diray Golaha Ammaanka ee QM
To Top