WARARKA SOOMAALI

Dad qaba dhaawacyo culus oo lasoo gaarsiiyay Muqdisho, kadib Qaraxii…

Waxaa xalay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay qaar kamid ah dadkii shacabka ahaa ee ku dhaawacmay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Diyaarad gaar ah oo ay dirtay dowladda Federaalka ayaa dad qaba dhaawacyo culus oo gaaraya Lix iyo toban qof oo isugu jira caruur, dumar iyo dad dhalinyaro ah kasoo qaaday Baladweyne, kuwaasi oo markii la keenay Muqdisho la geeyay isbitaalada.

Garoonka diyaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa dadkaasi uga hortagay Xildhibaano katirsan BJFS, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin katirsan Hay’adda SoDMA oo uu Hhogaaminayay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka iyo Wacyigalinta Bulshada Dr. Cabdullahi Muse Axmed (Fanax)

Gawaarida Gurmadka Deg-degga ah oo hay’adda SoDMA hore ugu diyaarisay Gudaha Garoonka ayaa durbadiiba dadkaan u gudbiyey goobaha Cafimaadka caasimadda, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

In ka badan 15  qof ayaa ku geeriyooday qaraxii Is-miidaaminta ahaa eek a dhacay Baladweyne, halka tobaneeyo qof kalena ay ku dhaawacmeen, sidoo kalena qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa geystay burbur lixaad leh, waxaana burburay dhismayaal farabadan.

Dad qaba dhaawacyo culus oo lasoo gaarsiiyay Muqdisho, kadib Qaraxii…
To Top