WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo kulamo muhiim ah la qaatay Safiirada jooga Soomaaliya.

Muqdisho ( HM ) Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda waddanka iyo sidii ay u dhex mari lahayd Xukuumadda cusub wada-shaqayn dhow, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dowladdu gaartay. Iyadoo kulanka ay qeyb ka ahaayeen siihayaha raysalwasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo siihayaha wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad.

Safiirrada ayaa muujiyay taageeradooda Ra’iisul Wasaaraha cusub una rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla Xukuumaddiisa, waxayna ammaaneen arrimaha mudnaanta u leh Ra’iisul Wasaaraha Rooble ee Amniga, doorashooyinka Iyo Dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top