WARARKA SOOMAALI

Qof calooshiisa laga soo saaray cadey uu liqey oo loo fasaxay inuu wax cuno iyo sida wax u dhaceen-Akhriso

David Charo oo ah muwaadin Kenyan oo uu ku fakaday cadey nooca caaga ka sameysan xilli uu cadeysanayay ayaa markii ugu horeysay saxaafada uga warbixiyay sida uu ku liqey cadayga.

Charo oo u waramay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in arrintan ay ku dhacday 1 April xilli uu isu diyaarinayay inuu shaqo tago.

“Anigoo cadeysanaya oo cadeygana aan carabka meel ku dhow dhuunta ku xoqayo ayuu cadeygii igu tegey.”ayuu yiri Charo.

David Charo ayaa intaa ku daray in walaalkii oo la joogay xilligaa uu arki karay cadeyga oo dhuunta ka muuqday balse xanuun awgii uu qabtay.

“Waxaa la igula cararay mooto dhug-dhugley isbitaalka magaalada Mombasa balse intii aan isbitaalka ku sii soconay ayuu cadeygii u gudbay caloosha.”ayuu yiri David Charo.

Mr Charo ayaa sheegay in dad badan ay u maleeyeen waxa uu sheegayo inay tahay been maadaama maalinta ay arrintani qabsatay ay ahayd 1da April oo ah maalinta Beenta halka dad kalana ay u maleeyeen arrintan in ay tahay mid sixir ku lug leh.

Hase yeeshee markii la geeyay isbitaal weyn oo ku yaal magaalada Mombasa ayaa ugu dambeyntii lagu guuleystay in laga soo saaro cadeygii uu liqey ninkan.

Dhakhtar Iqbal Khandwalla oo ah agaasimaha isbitaalka qalliinka lagu sameeyay ayaa sheegay in ay u isticmaaleen qalliin casri ah oo ah “endoscopy” sababtoo ah waa qalliin aan Qatar ahayn,bukaanku si deg-deg ah uu ku bogsanayo,xanuun badan lahayn.

Dhakhaatiirta ayaa waxaa ay sheegeen in hadda uu Mr Charo wax cuni karo uuna socon karo,isagoo shanti maalmood ee ugu horeysay ee uu isbitaalka ku jirey uu quudan jirey oo kaliya biyo,caano iyo mushaari.

David Charo oo ah 34 sano jir ayaa ugu dambeyn sheegay in hadda kadib uu ka taxadari doono marka uu cadeysanayo si markale aysan u dhicin arrintii toddobaadkii hore ku dhacday.

SOMALI NEWS

To Top