WARARKA SOOMAALI

Qarax xooggan oo goordhow ka dhacay Muqdisho iyo khasaare kala duwan, Wararkii ugu dambeeyay..

Muqdisho (HM)-Qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Rasaas ayaa laga maqlay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana qaraxa uu ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Goob ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku baaraan gaadiidka adeegsada wadada aada Madaxtooyada ayuu qaraxa ka dhacay, waxaana kadib ciidamada dowladda ay rideen rasaas badan.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa loo ogolaaday iney qaadaan dadka dhaawacyada kasoo gaareen qaraxa ka dhacay agagaarka Godka Jilacow.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi loo malaynayaa in lala eegtay masuuliyiin goobta marayay, waxaana labo u kala go’ay gaari Cabdi Bille ahaa, iyadoo la waayay askartii saarneyd.

Waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in qaraxa lala eegtay masuul ka tirsan ciidamada Meletariga Soomaaliya, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in lala eegtay Gabar ka tirsan saraakiisha Meletariga Soomaaliya.

Ku dhawaad seddex ruux oo dhaawac ah iyo dhimashada labo ruux ayaa goobta lagu arkay, walow aanan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa maanta dhacay.

Xalay ciidamada dowladda ayaa la dhigay waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo baaritaano ay sameynayeen, waxaana jirtay cabsi laga qabay weeraro Al Shabaab ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale jiray digniino dhanka amaanka ah oo lala wadaagay ha’adaha amaanka, taasi oo la xiriirta qaraxyo Al Shabaab qorsheynayaan inay ka geystaan magaalada Muqdisho.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

SOMALI NEWS

To Top