WARARKA SOOMAALI

Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu danbeeyay

Qarax miino lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu barqanimadii Maanta ka dhacay degmada Xamarweyne gaar ahaan agagaarka isgoyska Via Rooma ee degmadaas, waxaana jugta qaraxa laga maqlay Suuq degmada iyo xaafaddaha ku dhow.

Gaariga oo laamiga dhinaciisa yaallay ayaa mar qura qarxay, isla markaana waxaa xilligaas ka maqnaa darawalkii gaariga waday, Goobjoogayaal ayaa waxa ay ku warrameen in qaraxa ay ku dhaawacantay hal qof oo haweeney ah oo Mooto saarneyd.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Xamarweyne oo ku sugnaa meel ku dhow goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa tagay halkaas, iyaga oo daqiiqado kooban hakad geliyey isku socodka aaga, wallow markii dambe ay dib u fureen wadada oo ay xireen.

Illaa iyo hada lama oga cida gaariga qaraxaas miinada ahaa loogu soo xiray, balse Qaraxaas ayaa waxaa kamid noqonayaa falalka ammaan darri ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, walow ay howlgallo ka wadaan ciidanka ammanka.

Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu danbeeyay
To Top