WARARKA SOOMAALI

DAAWo: Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay xaafaddo ku dhow Garoonka Muqdisho

Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa xalay howlgalo saacado qaatay waxaa ay ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmada Wadajir gaar ahaan xaafaddaha ku dhow Garoonka  diyaaradaha Aadan cadde.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Wadajir Xasan Cali Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay  in ujeedka howlgalka la sameeyay uu ahaa mid lagu doonayay in lagu xaqiijiyo amniga degmada.

Howlgalka ayaa inta uu socday waxa ay ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida ay ku baarayeen guryaha, iyagoona kusoo qab-qatay dad u badan dhallinyaro oo looga shakiyay inay ku lug leeyihiin falal amni darro oo ka dhacay degmadaasi.

Sidoo kale Taliye Xasan ayaa tilmaamay in howlgalka looga hortagayay kooxaha burcada ah ee dhaca u geysta dadka shacabka ah, Ciyaal weerada iyo ragga hubeysan ee dilalka qorsheysan geysta.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWo: Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay xaafaddo ku dhow Garoonka Muqdisho
To Top