WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Qaramadda Midoobay oo Puntland iyo Soomaliland amar ku siisay in ay kala qaadaan Ciidamadda Jiida Sool-Warbixin

Muqdisho (Horufadhi News)-Qoraal kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay Khamiistii shalay ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo taageerada nidaamka Federaalka Soomaaliya iyo horumarka illaa iyo hada la sameeyey.

Waxaa qoraalkan sidoo kale si gaar ah looga hadlay dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo ka dhacay gobalka Sool (Tukaraq), waxaana loogu baaqay labada dhinac inay hirgeliyaan balanqaadkii ay u sameeyeen Beesha Caalamka ah oo ahayd inay fulinayaan xabad joojin deg deg ah.

Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Puntland iyo Somaliland in labaduba ay ciidamadooda kala qaadaan, isla markaana joojiyaan hadalada xanaftaleh oo ay warbaahinta isu marinayaan si looga fogaado, una ogolaadaan in mucaawinada la gaarsiiyo dadka halkaasi ku dhaqan.

“The Security Council notes with concern recent fighting in the Sool region of northern Somalia. The Security Council urges parties to implement, without delay, their commitment to international partners to an immediate cessation of hostilities, including refraining from statements or actions that may raise tensions, and further urges parties to pull back their forces and engage in dialogue. The Security Council notes with concern that the fighting has exacerbated the humanitarian situation and calls on all parties to allow and facilitate full, safe, rapid and unhindered humanitarian access…”

15ka xubnood ee Golaha Amaanka ayaa soo dhaweeyey go’aanadii kasoo baxay shirkii Baydhabo oo ay yeesheen dowlada Federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah, iyadoo lagu booriyey in la xoojiyo qorshaha horumarinta iyo wada shaqeynta dowlada.

Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in looga baahan yahay sidii loo diyaarin lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo la wareega hawlaha amniga kahor inta aysan ciidamada Amisom dalka ka bixin, halka dhinaca kale golaha uu walaac ka muujiyey falalka argagaxisada ay weli ka geysanayaan dalka.

SOMALI NEWS

To Top