WARARKA SOOMAALI

Qaramadda Midoobay:-Abiy Ahmed wuxuu hurinayaa xasilooni darada dalal ay Soomaaliya ku jirto-Akhriso

Muqdisho (HM)-Bilooyin kadib ku guuleysigiisa Nobel Peace Prize, ra’iisul wasaaraha isbedelka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa haatan la tacaalaya eedeymo la xidhiidha farogelinta arrimaha gudaha ee dalalka deriska.

Bishaan November, laba warbixin oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay in maamulkiisa holac kusii shidayo dedaalada nabadda ee Suudaanta Koonfureed iyo xasilooni darada Soomaaliya.

Hogaamiyeyaasha labadan waddan ayaa xidhiidh dhow la leh gudoomiyihii hore ee urur goboleedka IGAD.

Suudaanta Koonfureed, halkaas oo IGAD ay heshiis nabadeed ka dhalisay Bishii September, Dowladda Abiy, Uganda iyo Kenya waxay si wadajir ah ugu eedeysan yihiin in ay curyaaminayaan dhaqan-gelinta Axdigaas, ayey qaramadda Midoobay ku lifaaqday warbixinteeda.

Jimcadii, safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya, Meles Alem, ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in eedeymaha ay yihiin waxbo kama jiraan.

“Mid kamid ah tiirarka siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya waa in aysan gacma gacmeyn siyaasadaha arrimaha gudaha ee Dowladdaha. Taasina waa iskoorkeena,” ayuu yidhi xili uu wareysi bixinayey.

Meles Alem ayaa wuxuu raaciyey hadalkiisa: “Deris wanaagsan ahaan, waxaan kaliya cayaarnaa door ah mid dhismo”.

Eedeymaha ka dhanka ah Itoobiya ee gudaha Soomaaliya ayaa soo bilowday Bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay 2018-ka.

Guddiga Khubarada Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya ayaa warbixintooda 2019-ka ku sheegay in Itoobiya ay farogelisay doorashadii Koonfur Galbeed, oo Mukhtaar Roobow, laga mamnuucay tartanka.

Sidda laga soo xigtay guddiga, marka dadka deegaanka Koonfur Galbeed ay banaanbaxeen, Ciidamada daayacadda u ah Roobow ayaa la dagaalamay xoogaga Itoobiya taas oo keentay dhimasho dhimasho & dhaawac.

“Doorka Ciidamadda Itoobiya ee xadhigii Roobow ayaa sarre u qaadey caadifada liddiga ku ah Itoobiyaanka ee Bulshadda gobolka ku sugan, kuwaas oo xogta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab la wadaagay iyaga”.

Waqti xaadirkaan la joogo waxay farogelin ba’an ka wadaan Galmudug iyo Jubaland. Si gaar ah, gobolka Gedo waxay ka damacsan yihiin in ay ka hirgeliyaan maamul sharci darro ah iyaga oo fulinaya dalabka Villa Soomaaliya.

Xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya oo Jimcadii warqad furan u diray xafiiska Abiy ayaa waxay ka codsadeen in uu xaaladaha jira ku lifaaqo sawirka cusub ee Itoobiya.

Eedeymaha Abiy Axmed ayaa ugu yaraan hoos u dhigi karaan sumcada Wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa, waase hadii uu qaado talaabooyin degdeg ah oo uu wax kaga qabanaayo arrimaha taagan.

SOMALI NEWS

To Top