WARARKA SOOMAALI

Q/Midoobay iyo Ecowas oo qiimeeynaya xaaladda Dal uu ka dhacay Afgembi

Saraakiil ka socota urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas iyo Qaramada Midoobay ayaa manta oo Isniin ah ku sugnaan doona caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou, si ay u qiimeeyaan xaaladda dalkaasi oo dhowaan ay ka dhaceen afgambi mileter .

Saraakiisha ka socota Ecowas waa kuwo heer  wasiir ah,halka wafdiga Qaramada Midoobay uu hoggaaminayo madaxa xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Galbeedka Afrika iyo Saaxil, Mahamat Saleh Annadif.

Saraakiisha wadajirka ah ayaa wadahadalo la yeelan doona saraakil uu ka mid yahay Paul-Henri Damiba oo ah hogaamiyaha kooxda miletweriga ee inqilaabtay Burkino Faso.

Shir madaxeedka dalalka ku bohoobay Ecowas ayaa la qorsheeyay maalinimada Khamiista ee soo socota ,si looga tashado waxa laga yeelayo arrimaha dalka Burkino Faso.

Hogaamiyayaasha Gobolka ayaa yeeshay kulan deg deg ah Jimcihii halkaas oo ay ku hakiyeen xubinimada dalkaasi.

Q/Midoobay iyo Ecowas oo qiimeeynaya xaaladda Dal uu ka dhacay Afgembi
To Top