WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen oo magacaabay Wasiiro cusub (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa magacaabay wasiiro cusub oo ka tirsan Xukuumaddiisa.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa lagu magacaabay saddex wasiir oo kala ah; Wasiirka Wasaaradda dekedaha Wasiirka, Boostada iyo Wasiirka Kalluumeysiga.

Wasiirka dekedaha ayaa loo magacaabay Aweys Xuseen Macallin, halka Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta loo magacaabay Cabdullaahi Sheekh Daahir Muxiyadiin.

Sidoo kale Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Cabdi Cumar, waxaanta mas’uuliyiinta cusub la faray inay shaqadooda gutaan.

Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen oo magacaabay Wasiiro cusub (Wareegto)
To Top