Garoowe ( HM)-Puntland ayaa sheegtay in haddii aan laga qeyb-gelin wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya aysan waxba ka jirin
“Wadahadal Soomaaliya iyo Somaliland ah oo aan Puntland door laga siin anigu magaran karo ujeedka laga leeyahay, waayo cidda ay xuduudu ka dhexeeyso waa Puntland iyo Somaliland.
Marka hadii la rabo inay wax hagaagaan oo midnimo dhab ah laga shaqeynayo waa in Masuuliyiinta Puntland, oo ay ku jiraan siyaasiyiinta Puntland ku metela Sanaag , Sool iyo Ceyn ay ka qeyb galaan wadahadalka, hadii kale waxaa uu wadahalku ku sifoobaya mid aan masiiri aheyn oo dano siyaasadeed uun laga leeyahay”
Sidaas waxaa yidhi Af-hayeenka madaxatooyada Puntland , Waxaana sidan dhowaan Warbaahinta ka sheegay Madaxwayne Deni.
Siyaasiyiinta kasoo Jeeda Puntaland , Sool Sanaag iyo gobolada waqooyi ee kale ayaa Dhamaantood laga reebay Wafdiga ka socda Dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ee tagaya Shirka.
Horufadhi News