WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland oo toogasho ku xukuntay Askari lagu eedeyay fududeynta dilkii Madaxii Shirkada DP World-Video

Boosaaso (HM)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland ayaa saaka u fadhiisatay dhegaysiga dacwad loo haysto askari ka tirsan ciidanka PMPF ee Puntland oo ku eedaysan in uu fududeeyay dilka Maareeyihii shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa.

 HALKAN KA DAAWO VIDEO

Asakariga ayaa kamid ahaa dadkii loo qabtay dilka Maareeyihii shirkadda P&O oo hoostagta DP World kaasi oo 4-Feb-2019 uu nin hubaysan ku dilay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dhegaysiga dacwadda kadib ayaa maxkamaddu ku dhawaaqday xukunka lagu riday askariga oo magaciisa lagu sheegay Dable Cabdi cali xirsi waxaana lagu xukumay dil toogasho ah balse sida maxkamaddu sheegtay waxaa u furan bil rafcaan ah.

SOMALI NEWS

To Top