WARARKA SOOMAALI

Puntland oo Go’aan kasoo saartay Banaanbax la qorsheeyay inuu ka dhaco…

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa kulan looga hadlay amniga Gobolkaas ku yeeshay Hay’addaha amniga Maamulka Puntland, iyadoona kulanka laga soo saaray amaro ku socda shacabka Boosaaso.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga Gobolka iyo kan Boosaaso, wadashaqeyn dhexmarta shacabka iyo laamaha amniga, si looga hortego wax kasta oo amni darro ah.

Guddiga Amniga Gobolka Bari ayaa kulanka kasoo saaray go’aan lagu joojiyay gebi ahaan isku imaatinada Bulshada iyo la qabto banaanbax la qorsheynayo in Jimcada soo socota uu ka dhaco halkaas.

Taliye ku-xigeenka qaybta Bari Yuusuf Cabdi Cartan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay mamnuuc yihiin isu-imaatinnada dadweynaha iyo dhammaan nooc kasta oo banaanbax ah.

Yuusuf Cabdi ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay sugida amniga Magaalada Boosaaso iyo ka hortagga in fowda laga sameeyo gudaha magaalada, isla markaana shacabka ugu baaqay inay qaatan go’aanka soo baxay.

Si kastaba Go’aan lasoo saaray ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo la qorsheeyay in maalinta Jimcada Magaalada Boosaaso uu ka dhaco banaanbax looga soo horjeedo khudbadii habeen kahor uu jeediyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

SOMALI NEWS

To Top