WARARKA SOOMAALI

Puntland Deni ooo Ciidamo hubeysan isaga sii hormariyey Muqdisho-Sawiro

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni, ayaa ciidamo ammaankiisa ilaaliya iskagasii hormariyay Magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu wado inuu maalinta berito oo isniin ah uu socdaalkii ugu horeeyay ku tago tan iyo intii la doortay Madaxweynaha maamulka Puntland.

Warbaahinta ayaa siidaysay sawiradda askar katirsan ciiddanka madaxtooyada Maamulka Puntland oo aad ugu qalabaysan hubka fudud kunasii jeeda magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Muqdisho uga qeyb galaya shir arrimaha doorashada looga hadlayo oo ay dowlada federalka soo qaban qaabisay, kaasoo la filayo inuu ka qabsoomo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Khilaafka siyaasadeed ee dhexyaala dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada qaarkood ayaa sababtay inay hoos u dhacdo kalsoonida amni ee ay qaar kamid ah dowlad goboleedyadu ku qabaan dowladda federalka.

Warar aan si dhab ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Puntland iyo Jubbaland sababo amaan dartood ay dalbadeen in shirka uu ka dhaco xerada Xalane oo ay ammaankeeda gacanta ku hayaan ciidamada Amisom, halka warar kale ay sheegayaan in Axmed Madoobe uu dhex degayo Madaxtooyada Villa Soomaaliya halka Deni uu degayo Guri u dhow Madaxtooyada.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top