WARARKA SOOMAALI

Nin Xaaskiisa ku dilay Degmada Warsheekh ee Gobalka Shabeellada dhexe…

Muqdisho (HM)-Wararka laga helayo degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in tuulo hoostagta degmadaas uu Nin hubeysan ku dilay Xaaskiisa oo aheyd Ganacsto.

Falkaan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay tuulo lagu magacaabo Caloolweyn oo hoostagta Degmada Warsheekh,waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan sida uu u dhacay dilkaas.

Dadka deeganka oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay u sheegeen in falkan uu yimid kadib markii Ninka iyo Xaaskiisa uu soo kala dhex galay muran,hayeeshee markii dambe uu toogasho ku dilay,waxaana Ninkaas lagu magacaabaa Jimcaale Jiinoow

Sidoo kale Dad deris la ah Ninka wax dilay ayaa waxa ay Magaca xaaskiisa ku sheegeen Xaliimo Cadey,iyadoona heystay 10 Caruur ah oo 8 kamid ah ay ahaayeen Agoon oo ay u dhashay Nin kale oo horey u dhintay,waxaana gacan ku dhiiglaha ay u dhashay laba Caruur.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in Degmada Warsheekh uu ka socdo dadaalo lagu doonayo in lagu soo qabto Ninkaas oo goobta falka uu ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday.

Dadka ku nool Tuulada Caloolweyn ee hoostagta degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta aad u hadal haaya dhacdadaan uu xaaskiisa ku dilay Nin kamid ahaa dadka deegaanka.

SOMALI NEWS

To Top