WARARKA SOOMAALI

Nin watay Qaraxii ka dhacay Deg. Xamar-weyne oo gacanta lagu dhigay

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare ayaa War kasoo saaray Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada Xamarweeyne ee Gobolka Banaadir.

Qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray Guddoomiye Cali Yare Cali ayaa waxaa uu ku sheegay in Nin watay jaakad waxyaabaha Qarxa ay markii hore shacabka ka shakiyeen, isla markaana iyada oo la cersanayay uu tuuray Jaakada Qaraxa.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka in Jaakada ay meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne ku qaraxday, iyadoona qaraxaas jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

“Nin wata suunka qarxa oo doonayay inuu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ayay ciidamadu ka shakiyeen, iyaga ceyrsanaya ayuu tuuray suunka qaraxa, ka dibna meel cidlo ah ayuu ku qarxay suunkii.” Ayuu yiri Guddoomiye Cali Yare.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay hal Sarkaal, isla markaana gacata lagu dhigay Qof laga shakinsanyahay inuu watay qaraxaas.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaro kale ee ka dhashay Qaraxii ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, waxaana halkaas ku sugan Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Booliska dowladda.

SOMALI NEWS

To Top