WARARKA SOOMAALI

Nin si bareer ah u dilay Darawal gaari oo Maxkamadeyntiisa ay bilaabatay Maanta

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta oo sabti ah bilowday Maxkamadeynta Askari ka tirsan Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo 29-kii November 2022 darawal gaari ku dilay gudaha degmadaas.

Eedeysanaha Askariga oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed ayaa si bareer ah u dilay Seylax Cabdulle Axmed oo ahaa darawal gaari BL ah, kaasi oo loo dilay muran ka dhashay lacag lagu qaadayay Bar-koontarool oo ku taalla degmada Balcad.

Xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda ka dalbatay in eedeysane Cabdiraxmaan Caddow Ciise lagu rido xukun dil toogasho ah, maadaama ay dilkaas uu geystay ay ku marqaati fureen dad shacab ah oo saarnaa gaariga uu lahaa Marxuumka dhintay.

Gaba-gabadii Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Maxkamadda ay Go’aanka kama dambeysta ah kasoo saari doonto kiiskaan.

Nin si bareer ah u dilay Darawal gaari oo Maxkamadeyntiisa ay bilaabatay Maanta
To Top