WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Xildhibaano Mooshin u gudbiyey Guddoonka Golaha Shacabka

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Guddoonka Golahaas u gudbiyey Mooshin culus oo ku aadan xaaladda dalka gaar ahaan dhanka amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Mooshinka la gudbiyay ayaa waxaa saxiixay Illaa 22 xildhibaan, kuwaasi oo dalbaday inay muhiim tahay in laga hadlo arrimaha ammaanka dalka, maadaama xaaladda ay mareyso meel halis ah oo ay dhawaan ka dhaceen magaalada weeraro.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dhawaaqay in Illaa 44 xildhibaan ay ogolaadeen in ajendaha kulanka lagu daro Mooshinka, hal Xildhibaan ayaa diiday, mana jiro wax ka aamusay.

Mooshinka Xildhibaanada ayaa imanaya xili maalmihii u dambeeyey ay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacayeen weeraro qaraxyo iyo dilal qorsheysan, waxaana ugu danbeeyay weerarkii Al-shabaab ku qaaday Hotelka Rays.

DEG DEG: Xildhibaano Mooshin u gudbiyey Guddoonka Golaha Shacabka
To Top