WARARKA SOOMAALI

Nin nafta u keenay dadka degan Degmo ka tirsan Magaalada Muqdisho oo la qabtay

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa gacanta ku dhigay Nin hubeysan oo la sheegay inuu burcad ahaa, kaasi oo dhac ka geysan jiray xaafaddo ka tirsan Muqdisho.

Ciidamada Booliska ayaa Ninkaan kasoo qabtay gudaha degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir, kadib howlgalo ay Ciidanka ka sameeyeen xaafaddaha kala duwan ee degmadaasi.

Ninka ayaa waxaa la tilmaamy inuu burcad ahaa oo dadka dhac u geysan jiray, isla markaana ka qaadan jiray Telefoonada gacanta iyo agabyada kale oo ay xilligaas wataan, waxaana cabasho ka gudbiyey dadka.

Laamaha ammaanka degmada Yaashiid ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ninka lasoo qabtay la horgeyn doono sharciga, uuna haatan xiran yahay, kaasi oo xilligii lasoo qabanayey watay Bastoolad.

Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood ayaa waxaa kooxo hubeysan ay dhac ugu geystaan dadka shacabka ah oo ay ka qaatan Moobeelada iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah, iyadoo dadka qaarkoodna loo dilo sabab Moobeel.

Nin nafta u keenay dadka degan Degmo ka tirsan Magaalada Muqdisho oo la qabtay
To Top