WARARKA SOOMAALI

Axmed Madoobe oo hal arrin kala hadlay Xildhibaanada Jubaland ku melata DF

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doortay Jubbaland iyo qaar kamid ah xubnaha Xukuumada ku matala Maamulkaas.

Kulankan ayaa ahaa kala warqaadasho iyo dardaaran uu Madaxweynahu la qaatay mas’uuliyiinta kala duwan ee Maamulka Jubbaland ku matala Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii xildhibaanada iyo xubnaha kale ee Jubbakand ku matala Dowlada Federaalka ah ay ugu soo noqon lahayeen deegaanka, isla markana ay ugu kuur gali lahayeen dadaalada socda iyo howlgalada dhawaan bilaabanaya ee lagula dagaalamayo Al-shabaab

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kalaba ku casuumay kulan wadatashi ah oo bartamaha bisha soo socota ka dhacaya Jubbaland, isla markana lagu eegi doono dadaalaada miro dhalka ah iyo howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Xildhibaanada ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uga mahadceliyay kulankii dhacay iyo sida uu ugu casuumay kulanka wadatashiga ah, iyagoona sheegay inay ka qeyb noqon doonaan dadaalada ka socda deegaanada Maamulkaasi.

Axmed Madoobe oo hal arrin kala hadlay Xildhibaanada Jubaland ku melata DF
To Top