Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa habeenkii xalay aheyd xaafadda Cali-turcaaye ee degmada Yaaqshiid ku toogtay nin ku hubeysnaa bambaanooyin iyo qori AK-47 ah.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ee ka howlgala degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in ninkaan oo aad u hubeysanaa ay ciidamadu toogteen
Sidoo kale goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in xiligii la tooganayay Ninka ku hubeysnaa Bambaanooyin iyo qori AK-47 ah, ay Ciidamada Booliska howlgal ka wadeen xaafadda Cali-turcaaye.
Ciidamada ammaanka ayaa xilliyada habeenkii sameeya howlgallo amni xaqiijin ah oo ay ku sugayaan Nabadgelyada, waxaana Saraakiisha booliska ay tilmaameen inay joogteeynayaan howlgallada ammaanka lagu sugayo.
