WARARKA SOOMAALI

Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu dhex dilay Goobtooda Ganacsi

Saacadihii la soo dhaafay Kooxo burcad hubeysan oo u dhashay dalka Koonfur Afrika waxaa ay meelo kamid ah dalkaas kudileen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka Shaqeysanayay.

Alle ha u naxariistee muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Ibarahim Warsame iyo Xiinow Xasan Cali, waxaana xilliga la dilayay ay ku sugnaayeen dukaan ay ka shaqeeynayeen oo ku yaalla deegaanka No-9 oo katirsan magaalada Rusterburg.

Dilka kadib waxaa Goobta falka uu ka dhacay tegay Ciidamo katirsan Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo sameeyay howlgallo baaritaano ah balse aysan jirin cid ay u qabteen dilkaas.

Qaar kamid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka Shaqeysta dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegeen inay soo wajahday cabsi xoogan oo la xiriirta in la dilo ama hantidooda la boobo.

Dhammaadka sanad kasta ayaa waxaa kordha dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalka koonfur Afrika, waxaana bishii tagtay ee November la dilay in ka badan 10 Ruux Dhalinyaro Soomaali ahaa.

Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu dhex dilay Goobtooda Ganacsi
To Top