WARARKA SOOMAALI

Dad farabadan oo ku le’day dhul Go’ iyo daadad ka dhashay Roobab xoogan

Ugu yaraan 65 qof ayaa ku dhintay dhul go’ iyo daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay waqooyiga Tanzania,sida ay ka dhawaajiyeen madaxda dalkaasi oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare Kassim Majaliwa.

Roobab mahiigaan ah ayaa qaaday gawaari waxayna dumiyeen dhismayaal ku yaal buurta Magaalada Katesh, oo 300-km waqooyi ka xigta caasimada

Sawirro laga sii daayay taleefishinada ayaa muujinayay burburka guryaha oo ay ku jiraan agabka guryaha, oo daadsan waddooyinka, iyadoo waddooyinka muhiimka ah, xadhkaha korontada iyo isgaarsiintu ay go’an yihiin.

Ilaa 5,600 oo qof ayaa ku barakacay dhul go’a, ayuu yiri Mobhare Matinyi, oo ah afhayeenka dowladda.

Dad farabadan oo ku le’day dhul Go’ iyo daadad ka dhashay Roobab xoogan
To Top