WARARKA SOOMAALI

Muwaadin Soomaali oo Goor dhow ku geeriyooday Shil Gaari ka dhacay…

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa u Geeriyooday gaari dardaray (jiiray) xilli ay ceyrsanayeen Rag hubeysan oo Burcad ah Gobalka Eastern Cape oo ku yaalla Dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxman Xasan oo ku magac dheeraa (Carab Xasan) ayaa gaari uu ku dilay wadada R75 ee isku xirta Magaalooyinka Despatch iyo Port Elizabeth.

Warar la helay ayaa sheegaya in muwaadinka geeriyooday uu ka cararay rag hubeysan oo rabay in ay dhacaan gaari uu lahaa oo noociisu ahaa Quantum waliba nooca panel van, sida uu sheegay qof kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika.

“Inta aysan soo gaarin burcada ayuu marxuumka gaariga wadada dhinaceeda ku baakimay kadibna wuxuu isku Dayay in wadada highway-ga uu ka gudbo hasa ahaate gaari ayaa ku yimid oo dilay/jiiray” ayuu yiri goobjooge Soomaali ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in darawalkii waday Gaariga oo Soomaali ahaa uu wacay ehellada marxuumka, taas oo keentay inay meydka goobta ka qaadaan.

SOMALI NEWS

To Top