WARARKA SOOMAALI

Muuse Biixi oo Maamulkiisa go’doomin doona hadduu ka dhabeeyo Tallaabo uu qaaday.

Laascaanood (HM)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay go’aankii dhawaan maamulkiisa u hakiyay wada shaqeyntii kala dhaxeeyay Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa farriin cad u diray hay’ado kala duwan oo ku sugan deegaanada Maamulka Somaliland oo uu tilmaamay inay wadaan shirqoollo qarsoon oo lagu dibin-daabyeynayo maamulka uu hogaamiyo.

Waxa uu sheegay in Hay’adda Qaramada Midoobay iyo hay’ado kale in ay fuliyaan amarada laga siiyo Villa Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna xusay in hay’addahan lacago kusoo uruursadaan in ay kaalmeenayaan dad baahan balse siyaaasada ku milmeen.“Sannadahan dambe hay’ado aan siyaasadda gelin oo ay kamid tahay Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa oo ay kamid yihiin hay’ado badan oo isku magacaabo samo-fal oo cashuur bixiyayaasha dalalkooda lacag kaga ururusada waxanu gargaaraynaa dad baahan, sannadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimaysa qarannimada Somaliland oo ah inay fuliyaan amarrada laga siiyo Villa Soomaaliya, ee dawladdaas ay iyagu ilaaliyaan ee mushaharka ka bixiyaan bay soo gudbiyaan amarradeeda, taasina ma suuroobayso, ” ayuu yidhi hoggaamiyaha Maamulka gooni ugoosadka ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hadalka Muuse Biixi ayaa kusoo aadaya iyadoo Maamulkiisu uu sii wado xadhiga iyo cagajuleynta dadka u kala safraya deegaanada maamulkaas iyo magaalada xarunta ah ee Muqdisho.

Shirkii Jabuuti ee Madaxda Maamulkaas iyo kuwa Dowladda Federaalka la isku soo horfadhiisayey Jun 14, ayaa u muuqda in qodobka is dhexgalka oo ahaa mid weyn aysan waxba ka dhaqangalin Maamulka Soomaliland.

Lama oga inuu si rasmi ah u dhaqan gali doono go’aanka Biixi, haddise uu dhaqangalo waxaa uu noqonayaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee go’doomiya Maamulkaasi maadama Soomaliland ay si weyn u tageeraan Hay’addaha Qaramadda Midoobay marka ay timado dhinacyada Maaliyadda, Caawimada, Caafimaadka iyo amniga, sidaa darteedna aysan ka maarmi karin Qaramadda Midoobay.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top