WARARKA SOOMAALI

Muuse Biixi Mujaahidnimada wuxuu ku qaatay Dagaaladii Buhodle, Xudun & Habarheshay hadana cod buu ku rabaa.

Muuse Biixi Abdi wuxuu ka mid yahay xubnaha sharaxan, dad badani waxay is odhan karaan maxaa looga hadlayaa, waa laga hadli, maxaa yeelay dalkii maanta waxa ka jira waa in laga hadlaa, Muuse Biixi iyo Abdiraxmaan Cirrona waa kala duwanaan karaan taariikh ahaan, Muuse wuxuu sita Darajada Shahiid inkastoo aan la arag Shahiid nool hadana wuxuu ku jahaaday waa dagaaladii uu ka dhigay Buhodle, Qoodha taag iyo Habari heshay ee lagu laayey xoola dhaqatadii Dhulbahante ee Hawd iyo Nugaalba.

Maantana wuxuu doonaya cod, wuxuu rabaa inay doortaan Aagoontii la Somaliland-neeyey ee deegamada la haysto ee la sheegay in la iska diiwaangashay, wuxuu sheegnayaa inuu Jahaadnimo ku galay inay doortaan.

Hadaba waxa isweydiin mudan 23kun ee la yidhi Laaskeey iska diiwaangasheen 10ka kun ee deeganada Xudun iyo Taleex ku xeeran iyo koonfurta Laascaanood oo inahaas in le eg lagu sheegay ma mujaahidkeey leeyihiin codka hooyoo nagu sii jahaad mise koley hadeey Gunimo qaayibeen oo is xoreen waayeen maamulkoodiina diideen oo inay wax noqdaan laga kari waayey waxay ugu yaraan darajadan dhiigii Dhulbahante Gudabiirse iyo Warsangeli lagu qaatay ayeey qaadici doonaan.

 

Taariikhda ayaa fasiri doonta hadii Alle idmo marka la gaadho 13ka bisha danbe

Mubaraak Ciise

SOMALI NEWS

To Top