WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Musharaxiinta Mucaaradka oo ka digay sida ay ku socoto Doorashada…

Waxaa Magaalada Muqdisho kulan Maanta ku yeeshay inta badan Xubnaha midowga Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo saluugsan habka ay ku socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

Kulanka oo uu shir guddoominayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay diirada ku saareen ka hadlida walaaca ay ka qabaan doorashooyinka socda oo qaarkood ay sheegeen in si boob ah lagu bilaabay doorashada.

Afhayeenka Midowga Musharrixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo ah ay raadinayeen in dalka laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo watigeeda ku dhacda , balse ay ku guuldareysteen hoggaanka Villa Soomaaliya ee lagu aaminay dalka.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Midowga musharrixiinta dadaalkooda ay keentay in ay ka hortagaan muddo kororsi, sidoo kale welina ay raadinayaan in dalka ka dhacdo doorasho huufan oo xalaal ah.

Musharrax Daahir Geelle oo sii hadlayay ayaa sheegay in sida hadda ay ku socoto doorashada laga dhaxli doono burbur, hanaan foolxun iyo in dalka meel xun gaaray, wuxuuna sheegay inay bilaabi doonaan kulamo ay la qaadanayaan,

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Musharaxiinta Mucaaradka oo ka digay sida ay ku socoto Doorashada…
To Top