WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Iskuul ay wax ku barayeen kumanaan Arday oo ku burburay Qaraxii Maanta

Maamulka Iskuulka Mucaasir ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha kasoo gaaray qaraxii saaka ka dhacay Albaabka hore ee Iskuulka Mucaasir oo ku yaalla meel ku dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim, degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Maamulaha Iskuulada Mucaasir Macalin Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxa Is-miidaaminta ahaa uu ka dhacay Albaabka hore ee Iskuulkooda, ayna uga dhaawacmeen 7 Arday, Darawal iyo hal ruux oo Ilaaliye, sidoo kalena burbur xoogan uu gaaray Iskuulka.

Waxaa uu sheegay Maamule Macalin Yuusuf in Ardayda dhaawacantay ay gaarayaan 7 oo dhammaantood ah Carruur waxkabarata iskuulka Mucaasir ee Muqdisho, waxaana Ardayda waxyeelada ka gaartay Madaxa oo ay ka galeen firirada qaraxa.

Maamulaha Iskuulada Mucaasir ayaa tilmaamay in xiligii Ardayda dhaawacmayeen ay ku jireen gudaha fasal, una socotay xiiso xiligaas, iyagoona dhaawacyadooda la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Iskuul ay wax ku barayeen kumanaan Arday oo ku burburay Qaraxii Maanta
To Top