WARARKA SOOMAALI

Musharaxiinta Mucaaradka oo Dalabyo hordhigay Shirka Dhuusamareeb

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Shirka Maanta Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Golaha uu fursad u arko Shirka wadatashiga ee ka furmaya Dhuusamareeb, si looga wada-hadalo khilaafka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

Musharaxiinta ayaa sheegay in Shirka loo baahan in la ballaariyo, si ay uga soo qeyb galaan saamileyda tabashada ka qaba fulinta heshiiskii doorashada laga gaaray 17-kii September 2020 , sidoo kalena Shirka la siiyo waqti ku filan, si fursad loogu helo xalinta caqabadaha hortaagan doorashada.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa tilmaamay in Gobolka Banaadir metelaad uu ku yeesho Aqalka sare ay u arkaan mid Dastuuri ah, iyagoona nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu kuraasta Gobolka u adeegsano olole doorasho.

Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Farmaajo uga digay in Shirka Maanta ka furmaya Magaalada Dhuusamareeb uu ka dhex abuuro khilaaf hor leh, si uu u soo nooleyo damaciisa ahaa muddo kororsi ay sameeyso dowladda Federaalka.

Shirka Maanta ka furmaya Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafka iyo is marin waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya ee horey loogu heshiiyay.

SOMALI NEWS

To Top