WARARKA SOOMAALI

Muqdisho Xildhibaan geeriyooday ka dib dhaawac kasoo gaadhay Shiish Barasho.

Muqdisho (HM)-Waxaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xasan Cali Xasan oo ka mid ahaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh, kaasoo bishii hore ku dhaawacmay xabad uu si kama’ ah ugu dhiftay Guddoomiyaha degmada Warsheekh, xilli ay ku guda jireen tababarka Bastooladaha iyo qaabka wax loogu shiisho.

Dhaawaca xubintan ka tirsanaa Golaha deegaanka Warsheekh ayaa markii hore la geeyay Isbitaalka Keysaney ee duleedka degmada Kaaraan, hase ahaatee markii dambe loo soo wareejiyay Isbitaalka Madiina.

Guddoomiyaha degmada Warsheekh Xasan Xaaji Maxamed Darafey ayaa la sheegay in si aan ula kac laheyn u toogtay saaxibkiis, xilli uu barayay sida loo rido bastooladaha iyo qaabka wax loogu shiisho.

Dhacdadan Xildhibaanka la dhaawacay ayaa soo if baxday 19-kii bishii September, taasoo si weyn u qabsatay warbaahinta, waxaana falkaas uu ku soo aaday bil kaddib markii degmada Warsheekh ka dhacday doorasho ay Gole deegaan ay ku soo doorteen Guddoomiyaha degmadaas.

SOMALI NEWS

To Top