WARARKA SOOMAALI

Muqdisho wadooyinka waa weyn oo saaka u xidhan Deni iyo Axmed Madoobe oo imaanaya-Akhriso

Muqdisho (HM)-Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xidhan iyadoo la filayo in magaalada ay soo gaadhaan Madaxda Maamulada Jubbaland iyo Puntland.


Shacabka Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay waddooyinka qaarkood oo xidhan iyadoo dadka ay u lugeynayaan goobahooda ganacsi iyo xarumaha waxbarashadaba.

Guud ahaan ammaanka caasimada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo hore ay magaalada u soo gaadheen wafdi horudhac u ah mas’uuliyiinta Jubbaland iyo Puntland.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa magaalada Muqdisho u imanaya sidii ay ula kulmi lahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayna uga wadahadli lahaayeen arrimaha doorashoyinka dalka.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top