WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Mucaaradka Soomaaliya oo dacwad culus ka gudbiyey Maxakamadda Sare ee Dalka.

Muqdisho ( HM) Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan Golaha Shacabka BFS waxa ay sheegtay in dacwad ay ka gudbiyeen iyada iyo Xisbiyo mucaarad ah Sharciga Doorashooyinka dalka oo ay horay u ansxiyeen labada Gole ee BFS, isla markaana uu Saxiixay Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Fawsiya ayaa sheegtay in sharcigaan oo ay u codeeyeen Xildhibaanada Golaha ay katirsan tahay uu kasoo horjeedo Dastuurka Dalka, laguna deg degay in Labada Gole ee BFS uu ansixiyo, uuna saxiixin Madaxweyne Farmaajo.

“Maxkamadda sare ee Dalka waxa aan geynayay dacwad ka dhan ah Sharciga Doorashooyinka dalka oo uu ansixiyay BFS, markii dambana uu saxiixay Madaxweynaha, waxa aan u aragnaa in uusan sharci ahayn oo uu kahor imaanayo Dastuurka dalka, Xuquuqda Muwaadinka iyo hab qaybsiga beelaha” ayay tidhi Xildhibaan Fawsiya Yuusuf.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top