WARARKA SOOMAALI

Midowga Yurub oo War kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble inay soo afjaraan khilaafka siyaasadeed ee maalmihii dambe ciirka isku sii shareerayay.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale bayaanka ay soo saareen ku sheegay in loo baahanyahay in geedi socodka doorashada aan la hakinin oo lagu wado si nabadgelyo leh, iyadoo la raacayo jadwalkii hore loogu heshiiyay ee 27 May.

“Waxay tani fure u tahay bad qabka dadka Soomaaliyeed. Dhammaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya waa inay xakameeyaan xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo gobolka.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay midowga Yurub.

Khilaafka ayaa sii xoogeystay, kadib markii Farmaajo hakiyay awoodaha Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana saacado kadib tallaabadaas ka jawaabay Rooble oo sheegay in Madaxweynaha uu wado Jabinta heshiisyadii doorashada, carqaladaynta hawlaha Xukuumadda iyo abuurista xasilooni darro.

SOMALI NEWS

To Top