WARARKA SOOMAALI

Mid kamida raggii Dadka Jeel-ogadeen ku ciqaabi jiray oo Gacanta lagu soo dhigay-Sawiro

Gaalkacyo ( HM ) Waxaa degmada Galdogob   laga Qabtay  Xasan Ismaaciil Ibraahim ( Xasan Dheere ) oo la sheegay inuu ahaa Madaxii JEEL-OGAADEEN (Asluubta), Waxaana Hadda Uu Ku Suganyahay Degmada Galaadi ee Gobolka Doollo, Iyadoo la sheegay inuu ahaa Ninkii Ciqaabta uga Badan u gaystay dadkii Jeel-ogaaden ku Xidhnaa Xiligii maamulkii Cabdi maxamuud Cumar (Iley).

Mid kamid ah Maxaabiistii Ninkan uu Dhibaatada u gaystay oo lagu magacaabo Abdi barudd ayaa ka Warbixiyey Siduu dadka u Ciqaabi jiray.

“Waxaa Gacanta Lagu Dhigay Xasan dheere Sida Aad ka aragtaan sawirka,  Wuxuu ahaa Komishinkii Jeel Ogaden Jiif iyo Joog Noo diiday Anagoo Maxaabis ah oo rafaadsan .

Wuxuu yidhi ma seexan karaan, oo yayna isla hadlin,  Wuxuu noo gaysan Jiray Aflagaado aad u Qabdan daran, Wuxuu na yidhi wax badan oo xun xun.

Wuxuu samayn jiray qaar naga mid ahaa inuu afka balastar ka saari jiray si ayna uhadlin xiliga cunto lasiinayo unbaa lagu furi jiray waxaan ka xasusta Ibraahim Didhiq cabdi , wali Xayran , Halgan Xasan iyo Macalin bilig .

Waxaan xasuusta Nin Reer Wardheer ah oo lawada yaqaano oo la dhaho dhoolayare intuu dilay anaga hortayada inuu sanka iyo afka iyo dhagahaba dhiig uu ka keenay.

Wuxuu kudilay hortayada Halgan Hasan oo uu meelo badan kajabiyay sida wajiga nabarka wayn ee kamuuqda ,  Wuxuu caan ku ahaa caarka Maxaabista lagu shubo

Wuxuu sabtida iyo axada qaarkood nagu odhan jiray ii jaasa iyadoo xaalkayaga ilahay ogayahay hadaad diido dhib kabadan inaad jaasto ilaa duhur oo uu qosqoslo oo kali odayaal waawayn oo biri ma gaydo ah ayaa ujaasi jiray subaxa ilaa duhur meel cadceed ah.

Wuxuu dhihi kuwan waawayn ee Propagandhaga ku eedaysan Suuliyada ha maydhaan waxaan maydhi jiray suuliyo tiro badan oo ay ku saxaroodan 5000 kun oo Qof sikastaba wuxuu ahaa mujrim.

Waxaan xasuusta wiilal yar yar oo ay Budh kudileen intay dhaheen way is fuleen

Ciqaabtisa waxaa Kamid ahaa taagni taas oo ugu darayd ciqaabihii Jeel ogadeen inaad dhawr habeen taagnato ciqaab ka xun abid ima soo marin

Bacdu waxay kugu Jiri wakhti koban ama waad dhiman ama waad bad baadi gidhibka sidoo kale niista sidoo kale lakin taagni ciqaab ka xun ima soo marin iyo Nin la odhan laba bilood yuuna hadlin ee marka Cuntada lasiinayo uun afka hakala qaado walaahi yaab badan Ayaan kusoo aragnay meesha .

Xasan dheere Xisaab badan ayaa lajirta aakharo iyo aduunba,  Nina Kama Baxsan Karo, Cadaallada alle.

Kalshaale

 

SOMALI NEWS

To Top