WARARKA SOOMAALI

Mid kamid ah Dowladdaha Yurub oo Gaadiid ciidan ku wareejisay DFS

Wasiiru-dowlaha Amniga iyo Taliyaha Booliska ayaa ka qeyb galay Munaasabad Safaaradda Talyaanigu ku wareejisay Gaadiid dowladda Talyaanigu ugu deeqday Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Ciidanka Boliiska.

Safiirka Talyaaniga Roberto Vechi  ayaa sheegay inuu Talyaanigu taageerayo codsiga madaxweynaha Jamhuuriyaddu ujeediyay Madaxda Talyaaniga si ay  gacan uga geystaan howlgalada ka dhanka Khawaariijta.

Wasiir Dowlaha Amniga XFS Maxamed Cali Xagaa, ayaa ka mahadceliyay taageerada iyo Garab istaagga dowladda Talyaanigu siiso Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya.

Dowladdaha Talyaaniga ayaa kamid ah dowladdaha ka taageera dowladda Federaalka Soomaaliya dhinacyo kala duwan, waxaana kamid ah inay tababaro siiyaan ciidanka Booliska Soomaaliya.

Mid kamid ah Dowladdaha Yurub oo Gaadiid ciidan ku wareejisay DFS
To Top