WARARKA SOOMAALI

Isbedel cusub oo lagu sameeyay Taliyeyaasha Booliska Gobolka Banaadir (AKHRISO)

Taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare, Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa saldhigyada degmooyinka ee ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Macallin Mahdi ayaa isku shaandheynta lagu sameeyay, waxaana qaar kamid ah taliyeyaasha saldhiga la isku bedelay, iyadoo xilka qaadis lagu sameeyay Taliyeyaal qeyb oo xilal haayay.

Taliye Macallin Mahdi ayaa xilka taliyaha qaybta Waliyow Cadde, waxaana xilkaas loo magacaabay Gaashaanle Daa’uud Caraale, halka taliyaha qaybta Bari ee gobolka Banaadir loo magacaabay, Macallin Aadan.

Sidoo kale Gaashaanle Maxamed Cabduqaadir Mooshin ayaa isna loo magacaabay taliyaha qaybta Galbeed, ayada oo xilkaas laga qaaday Yaasiin Ganey.

Dhinaca kale Taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare, Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) isku bedelay Taliyeyaal Saldhigyo kuwaas oo kala ah;

Taliyaha Saldhiga kaaraan, ayaa loo bedelay Dharkaynley, taliyaha saldhiga Dharkaynley Waxaa loo bedelay Cabdicasiis.

Taliyaha saldhiga Cabdicasiis Waxaa loo bedelay saldhiga Waaberi.

Taliyaha saldhiga Shibis Waxaa loo bedelay Yaaqshiid. Xamar weyne ayaa loo magacaabay Taliye cusub , halka xamar Jajabna loo magacaabay taliye cusub.

Isbeddalkan ayaa kusoo aadayo, iyada haatan dowladda Soomaaliya ay qorshe gaar ah u dajisay sugidda amniga caasimada, maadaama la galayo bisha Barakeysan ee Ramadaan, isla markaana la doonayo in laga hortego weeraro ay geysan karaan Al-shabaab.

 

Isbedel cusub oo lagu sameeyay Taliyeyaasha Booliska Gobolka Banaadir (AKHRISO)
To Top