WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo shaacisay Tirada Al-Shabaab looga dilay Dagaaladii dhacay

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa faah faahin ka bixiyey guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo khasaaraha dagaalka lagu gaarsiiyey Shabaabka.

Wasiir Cabduqaadir Jaamac oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka Al-shabaab, isla markaana uga qabsadeen deegaano ballaaran oo Shabaabka ay sannado badan gacanta ku hayeen.

Waxa uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda in howlgaladii ka dhacay dalka Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaaro aad u farabadan, isagoona Carabka ku dhuftay in ay ciidanka dowladda dileen illaa 3,000 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, lagu dhaawacay 3,700 oo kale.

“Khasaarihii loo geystay cadowga inta lagu guda jiray howlgallada guuleystay waxaa ay kala yihiin waxaa ka geeriyooday 3,000 oo maleeshiyo ah, dhaawacyada gaarana waa 3,700 oo qaarkood dhibaatada gaartay la daala dhacaya” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Ugu dambeyn Wasiirla ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay haatan ku howlan tahay sidii deegaanada la xoreeyay loo gaarsiin lahaa ciidamo Boolis ah, si halkaas loo gaarsiiyo adeegyada dowladda iyo kuwa aas aasiga u ah nolosha bani’aadanka.

Si kastaba dagaaladii ka socday Gobolada dalka ee dowladda Federaalka kula jirtay Al-Shabaab ayaa istaagay, waxaana Shabaabka ay muddooyinkii dambe kordhiyeen weerarada qaraxyada ku bilowda oo ay ku qaadan Saldhigyada ciidanka dowladda, iyagoona ku dila Saraakiil iyo Askar farabadan, DF, ayaana qirisa khasaaraha la gaarsiiyo.

Dowladda Somalia oo shaacisay Tirada Al-Shabaab looga dilay Dagaaladii dhacay
To Top