WARARKA SOOMAALI

Meydka Nin is gubay oo laga helay Guri ku yaalla xaafad ka tirsan Hargeysa

Meydka Nin dab is qabadsiiyay ayaa duhurnimadii Maanta oo Arbaco ah laga helay Magaalada Hargeysa gaar ahaan Guri ku yaalla xaafada Jigjiga yar ee Magaaladaas, waxaana Ninkaas is dilay lagu magacaabi jiray Axmed Nuur Sheekh Muumin.

Ninka ayaa la sheegay in kaligiis uu joogay Guriga, isla markaana markii hore uu hoosta kasoo xirtay qolka uu deganaa, isla markaana lagu guuleysan waayay in lasoo badbaadiyo, sidaasina uu isku gubay.

Ciidamada Dab-demiska Magaalada Hargeysa ayaa durbadii lagu wargeliyay falkaan, waxaana ay si deg deg ah u tageen Guriga oo kasoo saareen Meydka Ninka.

Weli ma cadda sababta uu isku gubay, hase yeeshee waxay ehelada marxuumku sheegeen in hayey xanuun xaga maskaxda ah, kana yimi Qurbaha, kaligiina guriga uu ku noola.

Ciidamada Booliska gaar ahaan Qaybaha CID da iyo CTU da ayaa iyaguna goobjoog ahaa, kiiskaasna hadda gacanta ku haya. Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa bulshada uga digay in caruurta, dadka waaweyn iyo dadka maskaxda ka jirranba aan lagaga tagin guryaha kaligood.

Meydka Nin is gubay oo laga helay Guri ku yaalla xaafad ka tirsan Hargeysa
To Top