WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen RW Xamse iyo Maamulaha Bangiga Adduunka oo kulmay?

Ra’iisul Wasaara Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo hey’adaha dowladda Federaalka, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Kristina ayaa waxay xog ka siisay Ra’iisul Wasaaraha, howlaha kala duwan ee dhinaca horumarinta ee Bangiga Adduunku ka wado Soomaaliya – gaar ahaan dadaalka iyo gacanta ay ka geysanayaan gurmad abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay taageerada Bangiga Adduunku siinayay Soomaaliya, isaga oo ku dhiirigeliyay inay si dhaw ula shaqeeyaan hey’adaha dowladda – iyaga oo howshooda ku saleynaya qorshooyinka ahmiyadda u leh xukuumadda.

Maxay ka wada hadleen RW Xamse iyo Maamulaha Bangiga Adduunka oo kulmay?
To Top