WARARKA SOOMAALI

Maydka Gudoomiye Yariisow oo beri Muqdisho la keenayo iyo aas qaran oo loo samaynayo

Mudisho (HM)-Iyadoo lagu jiro qaban qaabada aaska Qaran ee loo sameynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, ahaana duqa magaalada Muqdisho Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa la sheegay in meydkiisa dalka la keenayo maalinta berri oo Sabti ah.

Guddiga loo saaray qaban qaabada Aaska Waran ayaa sheegay inay socoto howsha diyaar garowga aaskiisa, waxaana Guddigan uu isugu jira kuwa diyaarinaya goobta aaska, amniga iyo hab maamuuska qaran ee loo aasi doono Meydka Guddoomiye Yariisow.

Diyaarad gaar ah ayaa la filayaa in meydka Eng. Yariisow ka soo qaadi doonto magaalada Doxa, iyadoo ay wehliyaan Qoyskiisa oo ku sugnaa Qatar iyo Safiirka Soomaaliya ee dalkaas u fadhiya.

Guddoomiye Yariisow oo ku dhaawacamay qarax xarunta maamulkiisa ee degmada Xamarweyne ka dhacay 24-kii July 2019 ayaa ku geeriyooday isbitaalka Hamad ee magaalada Doha oo loo geeyay dhaawac culus oo kasoo qaaday caoosha iyo madaxa, waxaana xukuumadda Somalia ay magacawday Guddi qabanqaabiya aaska Qaran ee loo sameynayo.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli soo bandhigin faahfaahin qaraxa ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir iyo ciddii ka danbeyay, iyadoo su’aalo badan la iska weydiinayo sida qaraxaasi uga dhacay gudaha xarunta maamulka Gobolka.

SOMALI NEWS

To Top