WARARKA SOOMAALI

Masuul katirsan maamulka gobolka Banaadir oo saaka xaaskiisa ku dishay Muqdisho.

Muqdisho (HM)-Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in saaka Gudoomiyihii waaxda Halgan ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir lagu dilay gurigiisa, waxaana dilkaasi geesatay xaas uu qabay sida ay noo sheegeen xubno aad ugu dhawaa gudoomiyaha.

Gudoomiyaha Waaxda Halgan Cabduqaadir Fooldibi ayaa tooreyda ay ku dhufatay xaaskiisa kasoo gaadhay dhaawac culus ayaa loola cararay isbitaalka Digfeer halkaas uu markii dambe ugu geeriyooday dhaawaca gaadhay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sida uu u dhacay dilka saakay loo geestay Gudoomiyihii Waaxda Halgan ee Degmada dayniile, waxaana wararka qaar sheegayaan in Gudoomiyaha xaaskiisa dishay xili uu ku sugnaa guriga Haweeney ay kala tageen.

Maamulka gobolka Banaadir iyo taliska Booliiska ayaan wali ka hadlin dilkan dadka badan ka naxeen ee saakay ka dhacay Degmada Dayniile, waxaana meydka Gudoomiyaha la dilay loo qaaday xarunta CID-da.

Haweeneydii dilka u geestay seygeeda Cabduqaadir Fooldibi ayaa la sheegay in ay baxsatay, waxaana socda baadi goob ay ciidamada booliiska ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhii lahaayeen.

SOMALI NEWS

To Top