SOMALI NEWS

Mareykanka oo mar kale Caddeeyay Mowqifkiisa ku aaddan Somaliland

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Mareykanka ayaa ka hadashay khudbad uu Xalay Muuse Biixi ka jeediyay Waashingtoon, taasi oo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah, oo ku aaddan Aqoonsiga Somaliland iyo arrimo kale.

Qoraal ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu Somalia iyo Somaliland ku wajahi doono hal siyaasad oo ah tan Soomaaliya.

Sidoo kale Mareykanka ayaa intaas ku daray in socdaalka Muuse biixi ku tahay Mareykanka aysan waxba ka beddali doonin xiriirka iyo wadashaqaynta Soomaaliya iyo Mareykanka.

Khudbadad madaxwaynaha uu xalay ka jeediyay kulan uu soo qabanqaabiyay machadka The heritage Foundation ee dalka Mareykanka ayuu waxaa uu si wayn uga warbixiyay maraxaldihii ay Soomaaliland soo martay iyo caqabadihii ay ka soo gudubtay.

 

Mareykanka oo mar kale Caddeeyay Mowqifkiisa ku aaddan Somaliland
To Top