fikradaha

Maqaal: Nin Deleggeni reerkooda waa Doc uma Dhaafaan.

Ciwaanku waa maanso caan ahayd, oo Afmaaladii hore ee deegaankani horey sifo ahaan ugu qeexeen afcaasha dadka ama qofka liita, waa maanso aan Cadaawad , Cay iyo xumaan wadan balse qofkii ay ku socotey ee lagu Ekeeyey waxa uu ahaa, sifihiisa mudnaanshana lagu Jeebay, waa Samatar Baxnaan oo walalkiis ay isku dhalasho xigeen tusayey doqonimada iyo Nacasnimada ay yeelan karto  inaad walalkaa kula dhashay aad Garbaha ku dhegto jeer ahaan goorta uu u baahan yahay Garabkaaga ama ugu yaraan hadii aadan u hiilineyn inaad ka aamusto, afkaaga iyoa Adinkaagana uu ka amaan helo uu kaa mudan yahay.

Qisada oodhan inaan ka sheekeeyo muhiim mahaa oo waa taariikh dhaw oo dadka badankoodu garayaane, aan ujeedka u daadego.

Inagoo ka dheregsan dhibaatada baxaadleh ee maanta Dhulkeenii taala, Dhimashada aan cadadka lahayn ee Aafadu keentay ee dadkeenii haysata gaar ahaan Buuhoodle iyo deegamada ku xeeran,  Abaarta, Nafaqo darada, Colaada, Biyo la’aanta iyo Tacaluuska aad moodo inuu yahay mid ka mid ah imtixaanadii ugu waa weynaa, ayadoo la joogo wakhtigii Gunti xidhashada, iyo u Kicidda badbaadinta ubaddkeena iyo waayeelkeena Buuhoodle ku Le’anaya, yaa ka xun, oo ka liita, ka Naxariis daran, ka Macagasan, ka Caqli iyo Qorshe xun ruuxa maanta siyaasad ka raadiyey ragga 100kun ee Mayl dunida dacalkeeda Qorax u dhaca gurmadka uga yimid siyaasada ficilka, Xinka iyo Masayrka ka dayey, ka ugu hiiliyey ee la aaminay ee ahaa ninkii dayuurada laga Ijaartay. Labadaas nin iyo macooda, ma cid manta ka Taariikh madow ayaa jirta, koley reer Khaatumo Kayd ma leh, beri ayey iloowi doonaan oo aad arkaysaa kaasoo la gelbinayo, lagana yaabee in Buuhoodle lagu soo dhaweeyo, sidiisiina uu dhaho Ciidaa dhaqaaqday. Cadawaadnimo darteed gurigii Ehelkiisu degenayeen, wuxuu toban jeer ugu yeedhay Dhul Soomaaliyeed.

 

Ficilka  Baabul Camey uu ku kacay Isagoo qancinaya Majeerteen iyo Abdiweli Gaas oo in dadkani Idlaadaan oo meesha ka baxaan in la qabsado, in duufaan iyo Dabaylo jiidhaan, in Badda lagu shubo iyo in Daacuun dhameeyo aan kala jeclayn masane u tahay, Waraabe ilkihiisana uma roona Laf meel taalana uma roona, ma ninka garan waayey 2kun ee qof ee bacadka taagnaa, ee Haraadku hayey, ee Gaajadu haysay ee xanuunku hayey ishooda iska Du, oo ku baabiyey foorihii dabaysha iyo qoraxda ahaa ee garoonka Ismail Mirre si ay ugu soo dhaweeyeen ragaas u soo hiiliyey Allena budhka ugu soo dhuftay, asaguna intuu Kareen soo marsaday, kaluun ku soo qaadeeyey , Garabaati u soo gashay garoonka Garoowe ku ceshiimaystay waftiga.

Iskadaa inuu doorkiisa qaato, iska daa inuu dawo u doono, iska daa Haya’ado uu keeno, iska iloow inuu u hadlo, haba sheegin inuu naxaristii Qaraabanimo, Ehelnimo, tolnimo, Soomaalinimo ,Muslimnimo iyo xataa aadanimo ugu diir naxo, ficilkiisu wuxuu tusay inuu Xin iyo Khaatumo ayaa awoodeysanaysa ku cabiro caqligiisa uu maanta sawiray, kuna sifeeyey ”Childish wise”’.

Isku soo soo wada duub Eray aan ku sifeeyo Baabul Camey iyo ficilkisii u danbeeyey ee uu diyaaradii isbaarada ugu dhigtay, kama heli karo Qaamuuska luqadaha aan aqaana waan ka waayey, waxaanse u deynayaa sifadii Samatar Baxnaan ugu talo galay in asagoo kale loogu Hal qabsado, asagoo u Qalma gabay iyo taariikh u gaar ah oo loo dhiteeyo, looguna sunto ficilkii Liidnimo ee uu qaatay shalay.

Nin Delegini , Reerkooda waa Docma uma dhaafaane

Dadka kugu diryaa , iyo Afxumo kugula Daalyaaba

Sidii Dumar la wada Guursaduu kuula Diriraa!!!.

H M Abdi

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top