WARARKA SOOMAALI

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Obama oo bilaabay olale ka dhan ah Trump-Video

Muqdisho ( HM)-Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa bilaabay olole cusub oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump xili ay maalmo kooban ka hartay doorashada dalkaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Obama ayaa ololahan doonaya inuu gacan kusiiyo murashaxa xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden oo ah Madaxweyne kuxigeenkii Xukumadiisii xili ay 12 maalmood ka harsan tahay doorashada Madaxweynaha Maraykanka.

Barack Obama ayaa sheegay in doorashadan ay tahay mid taariikhi ah oo laga doonayo shacabka inaysan u kala harin dhiibashada codkooda, wuxuuna xukuumada Trump ku eedeeyey inay fashilantay dhinac-walba.

Madaxweynihii hore ayaa Arbacadii shalay ololihiisa ka bilaabay magaalada Philadelphia ee gobalka Pennsylvania oo kamid ah gobalada uu loolanka adag ku dhexmarayo xisbi Xaakimka Trump ee Jamhuuriga iyo Xisbiga Dimuquraadiga.

Obama ayaa lagu wadaa inuu gacan weyn siiyo murashaxiinta Dimuquraadiga labada asbuuc ee ka haray doorashada Maraykanka ee la qorsheeyey inay dhacdo 3da November.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top