WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Weerarkii lagu dilay Taliye Xasan Tuure

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyey geerida Saraakiisha iyo ciidankii saaka ku dhintay weerarkii Al-shabaab ku qaaday magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Taliye Kuxigeenkii Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan oo ku dhintay weerarkan, waxa uuna Alle u weydiiyey Jannatul Firdowso isaga iyo dhammaan halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ku dhintay weerarkii Galcad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka iyo xoreynta deegaannada, taas oo caddeyn u ah dhammaadka  Alshabaab iyo xaqiijinta Soomaaliya xor ah.

Khasaaro aad u badan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerarkii qaraxyada ee saaka Al-shabaab ku qaaday Saldhig ciidamada DANAB ay ku leeyihiin Galcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dagaal Galcad ka dhacay ay ku dishay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa Shabaab, halka  AS ay iyagu sheegeen inay dileen 150 Askari.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Weerarkii lagu dilay Taliye Xasan Tuure
To Top