WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo shaacisay tirada Al-shabaabka lagu dilay Weerarkii Galcad

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 100 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab saaka la dilay, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka oo ku yaalla Magaalada Galcad.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in Dagaal culus oo halkaas ka dhacay Shabaabka looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay Shabaabka xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.

Dowladda ayaa shaacisay in weerarkii qaraxyada ku bilowday ee Al-shabaab ku qaaday Galcad looga dhigay 7 askari oo uu ku jiro Taliye ku-xigeenkii ciidamada kumaandooska DANAB, kaasi  lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuure).

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay u mahadcelisay Saaxiibada Caalamiga ah oo gacan ka gaystay dagaalka lagu dilay Shabaabka, waa sida lagu sheegay Warka kasoo saaray  Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada weerarkii Galcad ka dhacay, iyagoona sheegtay inay ku dileen 150 askari oo ka tirsanaa Ciidanka xoogga, waa sida ay sheegteen Shabaabka.

 

Dowladda Somalia oo shaacisay tirada Al-shabaabka lagu dilay Weerarkii Galcad
To Top