WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan Xuska Sannad Guurada 79-Aad ee aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta amniga dalka, nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in markasta ay diyaar u yihiin sugida amniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyey in ay ku garab istaagaan Ciidanka gudashada waajibaadkooda Qaran

Dalka ayuu u sheegay Madaxweynaha inuu jiro xaalad dagaal oo lagula jiro Al-shabaab, isagoona xusay in Ciidanka ay diyaar u yihiin inay difaacan nafta dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
To Top