WARARKA SOOMAALI

Dalka Belarus oo lagu wareejiyay Hub casri ah & Madaxweyne Putin oo weli….

Madaxweynaha dalkaasi, Alexander Lukashenko ayaa sheegay in ciidankiisa haatan ku hubeysan yihiin Gantaalada Iskander Ballastic missiles iyo Nidaamyada difaaca Hawada ee 3-400 Air defense systems).

Waxa uu u mahad celiyey dhigiisa dalka Ruushka, Vladimir Putin Putin oo shalay booqasho ku tegay caasimadda dalkaasi ee Minsk.

Madaxweyne Putin ataa waxa uu 6 bilood ka hor ballanqaaday dalka Belarus Hubka cusub ee shalay lagu wareejiyey Madaxweynaha dalkaasi.

Dalka Belarus ayaa waxaa la rumeysan yahay inay haystaan Hubkii Dal-weynihii Midowgii Soofiyeeti ee burburay, iyadoo hubkaasi uu anfici doona Milliteriga Ruushka.

Booqashadii uu Madaxweyne Putin ku tegay Caasimadda dalka Belarus ee Minsk ayaa waxaa ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda, sergey Lavrov, Wasiirka Difaaca, Sergey Shoigu, waxayna dhigiisa dalkaasi ka wada xaajoodeen Iskaashiga Milliteriga, Dhaqaalaha iyo Tamarta.

Dalka Belarus oo lagu wareejiyay Hub casri ah & Madaxweyne Putin oo weli….
To Top