WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo War kasoo saaray geerida Ugaas Xasan

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsiyeeyay geeridii ku timid Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo xalay ku dhintay Magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa sigaar ah tacsi ugu diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Gobolka Hiiraan ee uu ka baxay Ugaaska, wuxuuna xusay in Ugaaska uu door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

 “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Ugaasku waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dalka.” Ayuu yiri Farmaajo.

Dhinaca kale Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay geerida Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsayay Magaalada Muqdisho o ku sugnaa.

Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa dhammaantood Alle Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

SOMALI NEWS

To Top